image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

MUQDISHO oo ku waabariistay qaraxyo ismiidaamin ah

Muqdisho (ONKOD ) Baabuur  ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa  lagu weeraray maanta oo Arbaca ah  xero Ciidanka Boolis militaaro ay ku leeyihiin  degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lagu dhuftay bar-koontarool oo ay ciidamada dowladda, gaar ahan kuwa Boolis Milataro ku leeyihiin halkaasi, waxaana goobta laga maqlay rasaas.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay guryo ka agdhow xerada la weeraray.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxa, waxaana aaga uu ka dhacay weerarka ismiidaaminta ah xiray ciidanka ammaanka oo diiday in loo soo dhawaado.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, inkastoo ay socdaan gurmayo iyo baaritaano ay wadaan ciidanka amniga.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo shaacisay inay beegsatay xero ciidan oo ku taalla halkaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.