image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Munaasabadda dhaarinta xildhibaannada oo ka socota Afisyooni

Muqdisho (Onkod Radio ) – Waxaa goordhow si rasmi ah teendhada Afisyooni uga bilaabatay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal, taas oo muddo dheer soo jiitameysay, kadib khilaafaad ka dhashay hannaanka doorashada.

Ugu horreyn waxaa la yeeriyey magacyada xildhibaanada, iyada oo kadib la guda-galay dhaarinta xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Dhaarinta ayaa si wanaagsan ku socota, iyada oo koox koox loogu yeerayo xildhibaanada cusub, waxaana dhaarinaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ah mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doonaan madasha.

Munaasabaddan ayaa muhiim u ah dhammeystirka doorashada, waxaana qayb ka ah xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed, kadib xal laga gaaray khilaafkii taagnaa.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa hortaalla shaqo adag, waxaana ugu horreysa doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.