Muqdisho, Soomaaliya (Onkod Radio) Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maalintii shalay loo furay aqoonsi kororsi ku saabsan sare u qaadidda karaanka hoggaamineed, ku shaqaynta qaanuunka, maamulka dowladaha hoose iyo dardargelinta adeegyada bulshada, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka SONNA.
Mudanayaasha Golaha deegaanka ayaa lagu soo doortay nidaam hal cod iyo hal qof, wallow ay jireen cabashooyin ku aadan nidaamka loo maamulay doorashooyinkaas.
Furitaanka aqoon kororsiga waxaa ka qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha XFS,Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo jeediyayFurhudbadda furitaanka yaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo nidaamka dowladaha hoose iyo dhismaha hay’adaha dimuqraadiga ah, isagoo tilmaamay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka ay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo matalaadda shacabka heer deegaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Dr, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in tallaabo horumar leh ay tahay in maanta tababar loo furo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan ay doorteen shacabka Muqdisho.
“Waa talaabo hore loo qaaday in maanta tababar loo furo golihii deegaanka ee gobolka Banaadir ee dhowaan shacabku doorteen.”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab

