image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maraykanka iyo Ingiriiska oo u Hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa isi soo tarayaa hambalyada loo jeedinayo madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  Xasan Shiikjh Maxamuud oo labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ay u doorteen madaxweynaha 10-aad ee dalka, waxaana hambalyada qeyb ka ahaa dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo qoraal kasoo baxay loogu hambalyeeyay guushiisa.

Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxay sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congresska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in natiijada doorashada ay tahya guul usoo hoyatay ummada Soomaaliyeed” “Dalka wuxuu u bahaan yahay dhammaantiin si aad uga wadashaqeysaan sidii looga gudbi lahaa xasiloonida darrada” ayay ku tiri barteeda Twitterka qoraal ay soo dhigtay.

Xasan Shiikh Maxamuud oo habeenimadii xalay loo doortay madaxweynaha 10-aad Jamhuuriyadda federalka waa markiisii labaad oo loo doortay xilka ugu sareeyo dalka, waxaana isasa soo tarayay hambalyada loo jeedinayo, Xasan Shiikh ayaa madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo kaga adkaaday 214 cod, halka uu la yimid 110 cod sida guddigu ku dhawaaqay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.