image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Taiwan oo badweynta isku eeganaya

Muqdisho (Onkod Radio)— Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa isku eeganaya badweynta, kahor inta aanu soo gabagaboobin afar maalmood oo dhoolatus ciidan ah oo aan hore loo arag oo Shiinuhu sameeyay, kaas oo ay jawaab uga bixinayeen booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka ay ku tagtay Taiwan.

Ku dhawaad 10-markab oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Shiinaha iyo Taiwan ayaa ka shiraacday meel u dhow marin biyoodka Taiwan, iyadoo qaar ka mid ah maraakiibta Shiinaha ay ka gudbeen diilinta ama xarriiqa aan si rasmi ah la iskugu waafaqsaneyn ee u dhexeysa Shiinaha iyo Taiwan, sida uu sheegay qof xog ogaal u ah arrintan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in maraakiib, diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu ay u muuqato inay sameynayaan weeraro ka dhan ah Taiwan iyo ciidamadeeda badda. Waxay sheegtay in ay u dirtay diyaarado iyo maraakiib si ay uga fal celiyaan “si habboon”.

Taiwan waxa ay sheegtay in gantaaladeeda lidka maraakiibta iyo kuwa kale ee Patriot ee cirka ilaa hawada ay diyaar u ugu yihiin xeebta.

Dhoolatuska Shiinaha, oo udub dhexaad u ahaa lix goobood oo ku xeeran jasiiradda uu Shiinuhu ku andacoonayo inuu isagu leeyahay, ayaa billoowday Khamiistii, waxaana loo qorsheeyay inuu socdo ilaa duhurnimadii Axadda, sida ay werisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Shiinaha ee e Xinhua todobaadkii hore.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shiinaha Axadii oo ku saabsan in dhoolatusku uu dhamaanayo iyo in kale.

Taiwan ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay xaqiijiso in Shiinuhu uu joojiyay iyo in kale.

Booqashada Nancy Pelosi ay todobaadkii hore ku tagtay jasiirada iskeed isku maamusha ayaa ka careysiisay Shiinaha, taas oo keentay in ay gantaal ballistic ah ku tijaabiso caasimadda jasiiradaasi markii ugu horeysay, iyada oo sidoo kale jartay qeyb ka mid ah xiriirkii isgaarsiinta ee ay la lahayd Maraykanka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.