image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kala duwan la qaatay madaxdii ka qeyb gashay shirka Tamarta Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeybgalay Shirweynaha Tamarta Afrika ee ka socda Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyo badan, taasoo muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Ugu dambeyn madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Dr. Adesina si uu u booqdo Soomaaliya taas oo uu aqbalay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Ghana Mudane John Dramani Mahama, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ghana, maalgashiga iyo isku xirka ganacsatada labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa la kulmay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Mudane Akinwumi Adesina oo ay dul istaageen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga, kobcinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, dhaqaalaha badda, tamarta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.