image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Erdogan, Laba arrin ayay muhiim noogu tahay Doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Onkod Radio ) – Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa ka soo saartay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya, ay u tahay labo tusaale oo waaweyn, kuwaas oo ka kala ah, 1 – muhiimadda ay Turkiga u leedahay horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika 2 – Iyo ilaalinta nabadda bulshada iyo xasilloonida siyaasadeed.

“Waxaan rajeynayaa in natiijada doorashada Soomaaliya ay noqoto mid faa’iido u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga waxa ay si weyn uga qayb qaadatay in ay Soomaaliya kasoo kabato markii ay burburka qarka u saarneyd sanadkii 2011-ka,” ayaa yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in doorashadaan ay ku dareemaan xasilooni.

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.