image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysteen Hotel Qaahira

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu horeyn cambaareeyay weerarka Al-shabaab ka geeysteen Hoteelka Qaahira ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka tacsiyadeeynayo xasuuqii ay kooxda Al-shabaab u geysteen nabadoonnada dhaqanka, iyo dadkii kale ra’yidka ahaa ee saakay ku laayeen Hoteel Qaahira ee galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Geesta kale madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa sheegay in Howgalka dabar-goynta Khawaarijta oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka, uu  naafeeyay damaca argagaxisada Shabaab ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga dowlad goboleedka Hir-shabeelle sida ay u toogteen xubnihii katirsan Al-shabaab ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.