image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Biden, oo Soomaaliya ciidamo mareykan ah, usoo daad gureynayo

Muqdisho (Onkod Radio ) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas ah sida maanta laga soo xigtay saraakiil Ameerikaan ah.

Maamulkii madaxweyne Donald Trump ayaa bishii Diseember ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Madaxweyne Biden wuxuu oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin.

“Tallaabadani waa dib u celinta ciidan horay u tagayay, ugana imaanayay Soomaaliya si ku saleysan xaalado gaar ah, ka hor intii uusan maamulkii hore go’aansan soo-saaristooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray mas’uulka.

Al-Shabaab oo lala xiriiriyo Al-Qaacidda ayaa ku howlan in ay meesha ka saarto dowladda Soomaaliya, talada waddankan ay la wareegto. Dhowr jeer oo hore ayay kooxdu qaraxyo ka fulisay magaalada Muqdisho iyo deegaanno ka baxsan.

Inkastoo aysan Mareykanku askar ka joogin gudaha Soomaaliya tan iyo markii ciidankooda dibadda looga saaray, haddana waxaa jiray duqeymo uu milaterigoodu ka fuliyay Soomaaliya, waxayna askarta Ameerikaanku joogaan dalalka deriska ah.

Sannadihii la soo dhaafay, waxaa askarta Mareykanka lagu eedeynayay in dad shacab ah ay ku dileen duqeymo ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty intentional waxay sheegtay Maraykanka duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyey iney 20 qof oo rayad ah ku dhinteen, hase yeeshee Maraykanka ayaa diiday tiradasi.

BBC SOMALI.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.