image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxwaynaha DFS oo Ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur & Taariiqda dagaalkii dhagaxtuur

Muqdisho (ONKOD ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Soomaaliya ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee Muqdisho.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka, hareeraha Taalada  Dhagaxtuur, halkaas oo sidoo kale Madaxwaynaha ay ku weheliyeen  xubno ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay qayb ka tahay ubax dhigga Taalada Dhagax Tuur musaabadaha  iyo dabaal degyada 26-ka Juun oo sanad kasta maanta oo kale la wayneeyo oo la maamuso halyeeyadii dhiigooda u soo  huray gobonimada gayigeena.

Sanadkasta maanta oo kale madaxda markaas xilka haysa ayaa  ubax dhiga ,  Talaada  Dhagaxtuur iyo  talooyinka kale si loo wayneeyo oo  loo qiimeeyo dabaaldegyada  todobaadka xoriyadda .

Taallada Dhadax-tuur ayaa ah  astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada.

Erayga Dhagaxtuur macno ahaan waaa labo eray oo la isu geeyay “Dhagax tuur” taasoo ka dhigan dhagaxa tuur. Dhagaxtuur waxa ay ahayd dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Oktoobar 5 teeda 1949kii.

Dagaalkaasi ee ka dhacay Dhagaxtuur waxa uu u ahaa dagaal u dhaxeeyay ururkii xornimo doonka ahaa ee SYL Somalia iyo gumeestihii Ingiriiska oo markaas heestay dalkeena Somalia oo dhan.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.