image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maamulka Jubbaland ayaa soo gabagabeeyay kuraasta deegaan doorashadu tahay Kismaayo

Muqdisho (Onkod Radio) Maagalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, maanta oo Isniin ah, lagu soo gabagabeeyay kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa kala ah, HOP#133 iyo HOP#219, waxaana ku tartamay musharraxiin dhowr ah.

1- Kursiga koowaad ee HOP#133, waxaa ku tartamayay musharraxiinta kala ah, Maxamed Xasan Aadan, iyo Maxamuud Axamed Xasan.

Maxamed Xasan Aadan, ayaa ku guulasytay kursigaan kadib markii uu tartanka ka tanaasulay musharraxii la tartamayay ee Maxamuud Axamed Xasan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyay natiijada doorashada kursiga HOP#133 oo uu cod gacan taag ah, ugu guulaystay xildhibaan Maxamed Xasan Aadan .

2: Kursiga labaad ee HOP#219, waxaa ku tartamayay musharraxiinta kala ah, Roodo Carab Cabdi, iyo Faadumo Cabdi Cali.

Roodo Carab Cabdi, ayaa ku guulaysatay kursigaan kadib markii ay heshay 78 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Faadumo Cabdi Cali, ay heshay 20 cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka SEIT ee Jubbaland, ayaa shaaciyay natiijada doorashada kursiga HOP#219, oo ay ku guulaysatay Roodo Carab Cabdi.

Waxaa sidaas lagu soo gabagabeeyay doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaa hadda Jubbaland ku haray 16 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaarreey.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.