image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maamul Goboleedkii ugu horreeyay ayaa maanta soo gaba gabeeyay kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Onkod Radio) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyey ee soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Golaha Shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo lagu ballamay in la dhammeystiro ugu danbeeyn illaa 15-ka March oo maanta ku beegan.

Guddiga SEIT ee koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta oo ay ku egtahay wakhtigii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada soo xulay kuraastii ugu danbeeyay ee maamulkaasi.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah, Hop#047, Hop#172, Hop#164, Hop#197, Hop#204, Hop#181, waxaana ku soo baxay:-

1– Xaawo Sokor Cali, oo  ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047. 2-Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo  ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#172. 3– Maxamed Abuukar Cabdi, oo ku guuleystey kursiga Hop#164. 4-Cumar Cali Balash, oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#197. 5-Isaaq Cali Subag, oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#204. 6-Maryan Macalin Isaaq, oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#181.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay dhaqan-gelisay jadwalkii u danbeeyay ee doorashada Golaha Shacabka, kaas oo ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

Doorashada Baarlamaanka ayaa soo martay heerar kala duwan, iyada oo deegaannada qaar ay ka jiraan caqabado hortaagan dhameystirka doorashada, waxaana ka mid ah, Garbahaarrey iyo Beledweyne oo ay weli ka taagan yihiin Muranno hareeyay kuraasta taalla halkaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa cadaadis ku saareeysay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay soo gaba gabeeyaan Doorashada ugu Danbeeyn wakhtiga lagu ballamay ee ahaa Maanta ay taariikhdu tahay 15, bisha March.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.