image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 Anonymous
  • africa
  • country
  • flag
  • national
  • sign
  • somalia
  • image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 mr_johnnyp
  • UK
  • Union flag
  • jubilee
  • queen
  • royal
  • union jack
  • image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 Anonymous
  • africa
  • country
  • flag
  • national
  • sign
  • somalia
  • image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 mr_johnnyp
  • UK
  • Union flag
  • jubilee
  • queen
  • royal
  • union jack
  • Maalin Dagaal ah Muqdisho Imisa ayay Dhaqaale ahaan ku Kacaysaa?: Model Estimation

    Facebook Twitter LinkedIn WhatsApp Messenger
    Qiyaastan waa model estimation, ma aha tiro rasmi ah oo kama dambays ah. Model-ku wuxuu isku dayayaa inuu cabbiro khasaaraha dhaqaale ee hal maalin oo khalkhal siyaasadeed iyo rasaas ka dhacdo Muqdisho, iyadoo la eegayo GDP-ga Soomaaliya, saamiga Muqdisho ee dhaqaalaha dalka, remittances, dekedda, ganacsiga, suuqyada, finance & hawala, construction, logistics, iyo adeegyada dowladda. Muqdisho waxaa model-ku u qaatay qiyaastii 30% dhaqaalaha dalka.
    Inkastoo beeraha oo qayb weyn ka ah GDP-ga Soomaaliya aysan badankeed ka dhicin Muqdisho, haddana marka Muqdisho khalkhal gasho waxaa adkaanaya in wax-soo-saarka beeraha la keeno suuqa, la iib geeyo, la raro, ama lacagtiisa si caadi ah u wareegto.
    Natiijada model-ku waxay muujinaysaa in hal maalin oo disruption ah ay sababi karto khasaaro dhaqaale ku dhow $9.55 million. Khasaarahan wuxuu ka kooban yahay direct loss ganacsi iyo adeegyo oo lagu qiyaasay $3.80 million, multiplier effect oo gaaraya $6.84 million, remittance disruption oo ah $1.52 million, iyo port delay cost oo gaaraya $1.19 million.
    Sector-wise, khasaaraha ugu weyn wuxuu ku dhacayaa trade & markets hadii uu si faafo dagaalkana, kadibna finance & hawala, port & logistics, iyo construction. Macnaha fudud waa in dagaal magaalada ka dhaca uusan xirin keliya waddooyin; wuxuu joojiyaa lacag-diristii, alaabtii dekedda ka soo bixi lahayd, shaqaalihii maalintaas shaqaysan lahaa, canshuurtii, gaadiidkii, macaamiishii, iyo wareeggii lacagta ee suuqa.
    Dabcan, khasaaraha nafta ayaa ka muhiimsan khasaaraha dhaqaalaha. Qof dhintay, dhaawacmay, ama qoys burburay lama barbar dhigi karo lacag. Laakiin boggan waxaan xoogga saarnaa dhinaca dhaqaalaha, si loo fahmo in dagaal iyo khalkhal siyaasadeed aysan ahayn oo keliya arrin amni; waa arrin dhaawacaysa dakhliga dadka, shaqooyinka, ganacsiga, maalgashiga, iyo mustaqbalka magaalada.
    Su’aashu waxay tahay: maxay idinla tahay qiyaastan? $9.55 million hal maalin ma ka badan tahay mise way ka yar tahay?
    Waxa ugu xanuunka badan waa in 35 sano kadib weli aan ku wareegayno dhibaato isku mid ah; waa dhibaato aan wax laga baran, waana dabbaalnimo qaran in mar kasta isla khaladkii lagu noqdo iyadoo dad, dhaqaale, iyo mustaqbalba lagu luminayo.
    WQ: Ali Wardheere,  waxaad kala xiriiri kartaan: profali@hotmail.com
    Facebook Twitter LinkedIn WhatsApp Messenger

    Wararka La xiriira

    Privacy Overview

    This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

    Strictly Necessary Cookies

    Strictly Necessary Cookie should be enabled at all times so that we can save your preferences for cookie settings.