image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

LAASCANOOD : Hoobiyaal ku dhacaya xaafadaha rayidka & dagaalka oo laba kacleeyay

Laascanood (ONKOD) Wararka  ka imaanaya magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas – markale  uu  dagaal ka dhacay magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka ee gobolada Sool iyo sanaag kuwaas oo  in muddo ah halkaas ku dagaalamaya.

Dagaalka  xoogiisa ayaa lagu soo waramayaa inuu  ka socdo jiidda bari ee magaalada  halkaas oo laga maqlayo rasaasta xoogan oo dhinacyadu  is waydaarsanayaan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in khasaare xooggan uu ka dhashay dagalka oo ah kii ugu xooganaa ee mudooyinkla dhexmara labada ciidan ee  ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool , iyadoo Somaliland  loogu baaqay in ciidanka kala baxdo gobolada Sool iyo sanaag.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.