image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

KENYA : In ka badan 50 qof oo ku dhintay shil gaari oo dalkaas ka dhacay

Nairobi (ONKOD) Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaacisay in tiradii ugu badnayd ay ku geeriyooday shil gaar oo ka dhacay dalkaas , waxaana jira dad kale oo ku dhaawacmay.

In ka badan 50 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shilka gaari ee ka dhacay magaalada lagu magacaabo Magaalada Londiani ee dhacda Galbeedka dalkaas.

Muuqaallada laga soo duubay goobta uu shilka ka dhacay oo Warbaahinta baahisay waxaa ka muuqday baaxadda shilkaas uu gaarsiisan yahay iyada oo goobta lagu arkay Gawaari burbur xooggan soo gaaray iyo dhiig badan oo waddada daadsan.

Dad badan oo waxyeello kasoo gaartay shilka ayaa la geeyay Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada ka muuqda iyo kuwa qarsoon ee u baahan in la hubiyo si haddii uu jab jiro loo kabo sida uu sheegay qof kamid ah dadka goobjoogga u ahaa dhacdadaan.

Taliyaha booliiska gobolka, Tom Odera ayaa sheegay in dhimashadu ay mareyso 48 fiidnimadii Jimcaha.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in gaarigan xamuulka ah uu jiiray in ka badan lix baabuur, islamarkaana uu dilay dad lugeynayay, waxayna intaas ku dartay in inka badan 20 dhaawac ah ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaallada deegaanka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.