image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

KARAASH oo yiri ‘’ DENI waa keliye taliye, digniin baa u jeedinayaa ‘’

Garoowe (ONKOD) Waxaa soo ifbaxaya khilaaf salka ku haya arrimaha doorashooyinka kaas oo u dhaxeeya madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Karaash ayaa sheegay in Saciid Deni uu xiligan marooqsanayo dhamaana awooda hoggaanka maamul goboleedka Puntland taas oo uu yiri ‘’ ma ah wax la aqbali karo ‘’

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Karaash ayaa sheegay in Deni uu doonayo in doorashada uu ku shubto isla markaana uu magacaabaya shaqsiyaad isaga uu wato isaga oo aan galin wax tala ah.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa looga digay in cawaaqib xumo ka dhalan doonto tallaabo kasta oo aan heshiis lagu ahayn ee uu qaado madaxweyne Deni.

“Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo bulshada reer Puntland u cadeeyey in cawaaqib xumada ka dhalata  isku day awood maroorsi oo lagu sameeyo Arrimaha masiiriga ah uu qaadi doono Madaxweynuhu”.

Madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Axmed Karaash waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Saciid Deni uu u dhaqmayo sidii  inuu yahay keliya Taliye taasna ay tahay wax aan sax ahayn.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil”.

Waxaa muuqanayso in hadda uu soo baxayo khilaafaadyo hor leh oo salka ku haya doorashooyinka .

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.