image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Jubbaland oo shaacisay in hub culus ku garaacday diyaarad ka degi rabtay Raaskambooni

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay hubka lidka diyaaradaha ku garaceen diyaarad katimid Muqdisho,isla markaana u socotay deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo fariisan ay ku lee yihiin Ciidanka xoogga Dalka.

Jubbaland ayaa tilmaamtay in diyaarada ay sahay u waday Ciidanka Xoogga Dalka oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaq ciidan kawada deegaankaasi.

“Ciidamada Jubbaland ayaa abaare 5:20 daqiiqo ayaa hubka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u waday maleeshiyaadka lagu daabulayo deegaanka Raaskambooni ayaa lgu yiri” qoraal lagu baahiyay warbaahinta ku hadash Afka Jubbaland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaarada ay awoodi weysay inay ka degto agaagi ay horay uga degi jirtay ee garoonka, isla markaana ay qasab ku noqotay in ay u jiheysasto dhinaca Kenya, halkaasi oo markii dambe ay ka soo degtay diyaarada.

“Ciidamada Jubbaland ayaa fariisin ka sameystay goob aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha ee Raaskambooni, waxaana ka go,an sidii loo soo afjari lahaa maleeshiyaadka Muqdisho diyaaradaha looga soo daabulayo kuwaa oo doonaya in ay khalkhal geliyaan Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka

Sikastaba. Jubbaland ayaa horay u sheegtay in deegaanka Raaskambooni ay ka mamnuucday diyaaradaha,isla markaana ka dhawaajisay in diyaaradii amarka kasoo Jubbaland jibisa ay talaabo ka qaadi doonto, sidoo kale waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka ay dhankeeda xanibaad ku soo rogtay diyaaradihii aadi jiray deegaanada hoostaga Maamulka Jubbaland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.