image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Jubbaland oo billowday qorshe ay ku soo ceshaneyso gobolka Gedo

Muqdisho (Onkod Radio ) – Wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka Jubaland Saleebaan Maxamed Maxamuud, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Ged ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay Jubbaland dib ugu soo ceshaneyso gobolka Gedo.

Wasiirka oo la haday Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaabka dib u heshiisiin ah ay doonayaan inay ku soo ceeshadaan gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in dadka gobolkaas loo sameeyo dib u heshiisiin.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Jubbaland wuxuu sheegay in waxgaradka gobolka Gedo ay ku soo wargeliyeen in maamulkoodii ay diyaar u yihiin in dib loogu soo celiyo.

“Maadaama ay dowlad cusub noo dhalatay, waxaan ku rajo weynahay in sharciyadii dib loogu laabto, hadana waxaa muuqata ififaaladeeda oo waxaa gobolkii dib ugu laabtay masuuliyiintii hore oo lagu soo dhaweeyey Garbahaarey, waxaana socda abaabul xoog leh oo maamulkii sharciga ahaa lagu soo celinayo,” ayuu yiri Saleebaan Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Wuxuu sheegay in gobolkaas sharci la’aan lagu maamulayey sanadihii lasoo dhaafay oo laga faro maroojiyey Jubbaland, balse dadka deegaanka ay hadda fahmeen in ka mid ahaanshaha Jubaland ay ayaga dan ugu jirto.

Gobolka Gedo ayaa muddo waxaa ka jiray xiisad siyaasadeed, ayadoo gacan ku hayntiisa ay isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Farmaajo iyo maamul goboleedka Jubaland, xiisadaas oo sababtay in Jubaland awood ciidan iyo mid farsamo looga saaro gacan ku heynta gobolkaas.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.