image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Janaraal Stephen Townsend, ayaa sheegay Soomaaliya inay Kenya ka Amni badan tahay

Muqdisho (Onkod Radio) Madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend, ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay uga halis badan tahay Soomaaliya, in ciidamada Mareykanka ee loo xil-saaray Soomaaliya, ay ka howlgalaan.

Janaraal Townsend, oo su’aalo uga jawaabayay guddi ka tirsan Senate-ka Mareykanka ayaa sheegay in go’aankii uu madaxweyne Trump, Ciidamada uga soo saaray Soomaaliya uu adkeeyey inay la dagaalamaan Al-Shabaab. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qacida ay tahay “kooxda ugu koritaanka badan, ugu hodansan, uguna wax dilista badan dhammaan kooxaha argagixisada ee caalamka.”

Waxa uu intaas ku daray in soo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, ay dadka Mareykanka ah ee ku sugan dalalka deriska la ah ka dhigtay kuwa wajahaya halis ka badan tii hore.

“Aragtidayda waxay tahay in dagaalkeena hadda goos gooska ah, ama aan ugu magac darnay dagaalka usoo safarka, uu horseeday caqabado iyo halis cusub oo soo wajahday ciidamadeena,” ayuu yiri Townsend. 

“Qiimeynteyda waxay tahay in taasi aanay wax ku ool aheyn, oo aanay ku filneyn islamarkaana ay ciidankeena gelineyso halis ka ballaaran sidii hore,” ayuu yiri Jeneral Townsend. 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.