Maamulka gobolka Banaadir Waaxda waxbarashada ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026.
Imtixaankan oo ay u fariisan doonaan kumanaan arday ayaa waxaa soo idlaaday habraacyada loo qabanayo imtixaanaadka.
Dowladda Soomaaliya ayaa gebi ahaanba mideysay imtixaanada shahaadiga dalka, taas oo keentay in dowladdu ay qaaddo imtixaanaadkan, taas oo ka duwan habraacyadii hore ee iskuuladu ay u qaadi jireen imtixaanaadka.

