image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

In ku dhaw 124 oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil diyaradeed oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

Diyaarad siday 181 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana ku dhintay ugu yaraan 120 qof, sida ay sheegeen saraakiisha dab damiska ee dalkaasi.

Wakaalada wararka ee Yonhap ayaa sheegtay in diyaarada ay ka soo kacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan waxayna ku dhacday darbiga garoonka diyaaradaha ee Muan International Airport ee ku yaala koofur galbeed ee dalkaasi.

Diyaarada Jeju Air oo siday 175 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah ayaa ka soo laabatay magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxayna burburtay xili ay soo caga dhigatay saacadu markay ahayd 09:00 subaxnimo xiliga gudaha dalka Thailand.

Ilaa iyo hadda labo qof ayaa nolol lagu helay, waxaana weli socda howlaha samata bixinta, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan dab damiska.

Rakaabkii la socday diyaaradda ayaa waxaa ku jiray 173 u dhashay Kuuriyada Koonfureed iyo laba Thailand u dhashay, sida ay sheegay Yonhap.

Dadka la xaqiijiyay in ay dhinteen ayaa waxaa ku jira 37 dumar ah iyo 25 rag ah.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay burburka diyaaradda, balse warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in laga yaabo in ay ka dhalatay shimbiro ku dhacay nidaamka diyaaradda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.