image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Imaaraadka Carabta oo soo dhoweeyay safiirka cusub ee Soomaaliya si uu u kobciyo xiriirka labada dal.

Onkod Radio – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Xuseen Xalane, ayaa maanta oo Khamiis ah warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Kaaliyaha Xog-hayaha Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, oo ku sugan Dubai.

Mas’uulka Imaaraadka ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Danjire Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu u matalo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ah qaran ku naaloonaya maqaam heer gobol iyo heer caalami ah oo uu hormuud ka yahay aragtida fog ee Madaxweyne Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Si kastaba ha ahaatee, soo bandhigida warqadaha aqoonsiga ayaa timid saacado uun ka dib markii shirkadda Flydubai ay ku dhawaaqday inay joojisay howlihii ay ka waday Muqdisho, kana imaan jirtay Muqdisho, laga bilaabo Juun 11, 2024, sida lagu sheegay farriin loo diray la-hawlgalayaasheeda.

Shirkaddu ma aysan cadeyn sababta ka dambeysay in shaqada laga joojiyo diyaaradda, balse wararka ayaa sheegaya in ay la xiriirto arrimo amni. Shirkadda Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa duulimaadyadeeda toos ah ka bilowday magaalada Muqdisho 9-kii bishii March ee sanadkii 2023-kii, taasoo noqonaysa duulimaadkii ugu horreeyay ee toos ah ee isku xira Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.