Onkod Radio – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa deeq raashin ah ugu qeybiyay degmada Diinsoor qoysas gaaraya 2000 oo qoys.
Deeqdan oo isugu jirtay bur, bariis, sokor iyo saliid ayaa dowladda Soomaaliya ka kaalmeeyay dowladda Shiinaha ayaa qoysaskaas la gaarsiiyay. Qoysaskan ayaa intooba badani waxaa saameeyay isbedelka cimilada, iyada beerihii ay lahaayeen ay saameeyeen roob la’aantii ku habsatay dalka Jiilaalkii la soo dhaafay.
Roob la’aanta ayaa inta badan saameeya beeraleyda iyo xoolaleyda, taasoo sababta in inta badan ay ka soo barakacaan deegaanadoodii, taasoo inta badan sababta in qoysaskaas ay dib ugu laaban waayaan deeganadii ay ka soo barakaceen.

