Onkod Radio (Muqdisho) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Dr. Maryan Qasim Ahmed ayaa sheegtay in isticmaalka internetka ee dhalinyarada iyo caruurta, gaar ahaan baraha bulshada uu qatar weyn ku hayo Soomaaliya, ayna ku qabatimeen isticmaalka baraha bulshada.
Iyadoo ka hadleysay madasha Machadka Heritage ee qataraha adeegsiga baraha bulshada iyo Bedqabka Digitalka, ayaa sheegtay in dhallinyaro door muuqda ku leeyihiin isticmaalka internetka iyo baraha bulshada.
Dadka Soomaaliya ayaa hela internet aad u jaban kaasoo u suurtogelineysa inay dad badan isticmaalaan.
”Qataro badan ayaa baraha bulshada ka yimaada, xogo been ah ayaa lagu faafiyaa oo ay ka dhalan karto dhibaato weyn, waxaana loo baahan yahay in badbaado iyo asturnaan loo helo xogahaan.” Dr. Maryan Qasim Ahmed, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa tiri, ”Waalidka masuuliyad ayaa ka saaran caruurtiisa, meeqa saac ayaa loo ogol yahay in caruurtu isticmaali karaan, maantase caruurta waaba la isaga sii jeediyaa.”
Drs. Maryan ayaa sheegtay in waqti badan la geliyo isticmaalka internetka oo dadka qaar ayba ku qabatimeen.

