image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha SSC oo kudhawaaqay in ey magacaabeen 9 Xoghaye

Laascaanood (ONKOD) – Maamulka cusub ee Khaatumo State ee dhawwaan lagu dhisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ku dhawaaqay sagaal xoghaye oo noqonaya golaha fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo. Sidoo kale, hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku dhawaaqay sagaalka xubnood ee noqonaya golaha fulinta maamulka Khaatumo State. Xoghayaasha la magacaavay ayaa kala ah:
  1. Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
  2.  Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  3.  Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
  4.  Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
  5.  Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
  6.  Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  7.  Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
  8.  Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  9.  Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska
Dhanka kale maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay magacaabista xoghayaashga maamulka Khaatumo, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaana loogu hambalyeeyay xubnaha cusub ee la magacaabay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.