image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

GAMUDUG : Amar la dul dhigay Maleeshiyaadka dagaalamaya

Dhuusomareeb (ONKOD) – Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa cutub ciidanka daraawiishta booliiska Soomaaliyeed ah u diray deegaanno hoos yimaad Degmada Cadalle, halkaas oo ay dhawan ku dagaalameen dad walaalo ah.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray deegaankaas hubka dhigisna ku sameeyay, sidoo kale Waxaa iyana goobta gaaray cutub ciidan ah oo ka tirsan hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Dhanka kale, Taliyaha daraawiishta booliiska, Sareeye Guuto. Cabdullaahi Mirre, oo horkacayay ciidankan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaannada lagu dagaalamay gaar ahaan Ceel-muluq, Xaaji-Cali, Laba-garas, Cadow-uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Taliyaha ayaa amar cad dul dhigay asaga oo sheegay in aan la aqbali karin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amranyihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.