image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Galmudug oo shaacisay waxa lagu sameyn doono haddii lasoo qabto Sheekh Shaakir

Muqdisho (Onkod Radio ) – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyey tallaabada laga qaadi doono haddii gacanta lagu soo dhigo saraakiisha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo uu ku jiro hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Taliska booliska Galmudug ayaa shalay soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb, waxaana ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.

Taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in haddii lasoo xiro saraakiisha Ahlu Sunna iyo Sheekh Shaakir ay caddaaladda horkeeni doonaan, si loo maxkamadeeyo.

Taliya aya xusay in saraakiisha Ahlu Sunna iyo hoggaamiyahooda Sheekh Shaakir ay dambiyo ka galeen dadka reer Galmudug, sidaasna ay booliska u amreen in la qabto meel kasta oo lagu arko.

Booliska ayaa rumeysan in xubnaha la raadinayo qaarkood ay u baxsadeen maamulada kale ee dariska la ah, halka kuwa kale ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel iyo Matabaan.

“Hadda waxay joogaan Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni,” ayuu yiri gaashaanle sare Khaliif Cabdulle oo wareysi siiyey Idaacadda BBC.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn sheegay inuu Dadka reer Galmudug u ballan qaadayo in kooxdaan iyo hoggaamiyahooda ay mari doonaan Cadaaladda waqti kasta oo gacanta lagu soo dhigo sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamo taabacsan Sheekh Shaakir kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Jimcihii lasoo dhaafay weerar kusoo qaaday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dagaalkii Dhuusamareeb ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa sababay dhimashada dad Shacab ah iyo ciidamo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana maamulka Galmudug u suurta gashay inay magaalada ka saaraaan kooxihii weerarka kusoo qaaday.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.