image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Gabadhii wojiga shoolad kaga qaraxday iyo geedkii ay isku dawaysay

Muqdisho (Onkod Radio) —  “Wixii igu dhacay waxaan ku tilmaami karaa mucjiso kor ka timid.” Ayay Princess Ezeani ku qeexday qaabkii ay uga badbaaday shoolad ku qaraxday wejigeeda iyada oo ku sugan gurigeeda oo ku yaala magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Gabadhani 20 jirka ah ayaa ku riyoonaysay in ay noqoto gabadh dharka xayaysiisa ayaa shil ku dhacay kaga gubatay wejiga bishii nofeembar, 2021.

Maalinkii uu shilka dhacayay, waxay gashay jikada si ay cunto ugu diyaariso qoyskeeda, iyada oo aanan ka warhaynin in hooyadeed ay jikada kusii jirtay oo waxay karinaysay bariis, waxay kadib go’aansatay in ay diyaariso kalluun lagu cuno bariiska, balse ma aysan ka warqabin in hooyadeed aysan xirin shooladda.

Markii ay isku dayday in ay shiddo ayay ku qaraxday, waxaana markiiba la geeyay isbitaalka.

“Shilka kadib habeenkii maanan seexan jirin sababtoo ah hurdada ayaan ku qarwayay , waxaana ii muuqanayay aniga oo dabka ku gubanaya” ayay tiri Princess Rseani. Waxa ay sheegtay in maalinkii inta badan ay ooyi jirtay, islamarkaasna aad u murugeysnayd.

Kadib la talin ay hooyadeed ka heshay, waxa ay gabadhani dareentay dhiironaan iyo kalsooni, iyada oo sii wadatay hawlaheedii caadiga ah.

Xagga daweynta haweenay habaryarteed ah ayaa biloowday in ay wejiga ka mariso malab iyo dacar, taas oo horseedday in maqaarka uu kusoo laabto sidiisii hore, kana bogsado dhaawacyadii kasoo gaaray gubniinka.

Muddo lix bilood ayay ku bogsatay gabadhani, iyada oo baraha bulshada soo dhigtay dedaalka daweynta , taas oo ay ka dhalatay falcelin badan oo dadka ku xiran degelka Twitter-ka ee gabadhi.

Heerarkii kala duwanaa ee bogsiimada
Heerarkii kala duwanaa ee bogsiimada

Dadka qaar ayaa aamini waayay in ay arrintani run tahay, shilkana uu dhacay. Islamarkaasna ay iyada wejiga wax marsatay.

“Dad badan ayaa u maleeyay in aan wax marsaday, ama qalliin is qurxin ah galay, taas waan la yaabay” ayay tiri Princess Ezeani.

Hadda waxa ay gabadhani qorsheynaysaa in ay ku laabato iskuulka si ay u barato cilmiga dawooyinka.

BBC SOMALI

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.