image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Faysal Rooble, Farmaajo iyo Deni way ka tallaabeen qadkii casaa ee siyaasadda

Muqdisho (Onkod Radio)  Aqoonyahan Feysal Rooble oo si aad ah u falanqeeya arrimaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo loolanka adag ee loogu jiro doorashada Madaxweynaha ee soo socota.

Faysal Rooble, oo si aad ah ula socda xaaladda doorashada ayaa bidhaamiyay tartanka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, oo isna si rasmi ah u shaaciyay musharraxnimadiisa.

Wuxuu sheegay in labadaan nin ay si weyn isku hayaan, isla-markaana ay iskala tallaabeen qadkii casaa ee siyaasadda la xeerinayay, ayna shakhsi ka dhigeen dagaalkooda.

“Labadoodu hadda waxa ay ka tallaabeen qadkii casaa ee siyaasadda la xeerinayay oo shakhsi bay ka dhigeen waad ogtahay Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay inuu ceebo badan soo bandhigi doono, goor horena waa kii ku qarxiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, marka labada shakhsi waxaa moodaa in wax isku diirnax ah, uusan ka dhexeyn,” ayuu yiri aqoonyahanka caanka ah ee Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labadooda, haddii uu mid kasto xittaa heli waayo xilka uu ku dagaal geli doono dhisidda musharrax kale, si aan looga adkaan koox ahaan.

“Haddii uu soo bixi waayo mid kasta waa caddahay cidda uu raacayo Saciid Deni cidda uu soo saarayo waa dad uu xulafo la yahay ama Xasan Sheekh Maxamuud, ha noqoto madaxweynihii hore ama dad kale ha noqotee waa jiraan, Farmaajo qudhiisu dadbuu sharraxan doonaa, haddii uu isagu heli waayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Feysal Rooble.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.