image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Farmaajo, Doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey waa sharci darro

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharci-darro ku tilmaamay “doorashooyinka isbarbar socda” ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Doorashada Ceelwaaq oo maanta billaabatay ayaa waxaa go’aamiyey guddiga doorashada heer federaal 14-kii April, ayaga oo sheegay in Garbahaarey “aan doorasho lagu qabin karin sababo amni dartood,” waxaana go’aankaas soo dhoweeyey ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Hase yeeshee, isla maalinkaas ayaa xubno dhowr ah oo ka tirsan guddiga ay sheegeen inay kasoo horjeedaan go’aanka, ayaga maalmihii xigayna billaabay isku day ay doorasho ugu qabanayaan Garbahaarey.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Farmaajo ayaa lagu yiri “Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “

Farmajao ayaa wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ku faray in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1-dii October 2020 iyo 27-kii May 2021.

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11-aad sharci wax ka baddalaya xeerkii baarlamanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in “wax ka baddalka” Heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, wuxuuna ugu baaqay inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan Garbahaareey. Xigasho VOA

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.