image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo Xildhibaan loo doortay

Muqdisho (Onkod Radio) Fahad Yaasiin, ayaa maanta taariikhdu tahay 20/02/2022, doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne lagu doortay Agaasimahii hore ee Hey’adda nabad sugidda Soomaaliya NISA,

Fahad ayaa helay codad gaaraya illaa 70 cod halka Malxiiskiisii oo ahaa musharrax Axmed Dayib Axmed, uu helay 24 cod saddex kalena ay xummaadeen sida uu sheegay guddiga dooranshooyinka HirShabeelle.

Kursigaan oo tirsigiisu yahay Hop#086, ayaa ku fadhiyay Faarax Cabdikhaadir, oo aan ka qeeyb galin doorashadaan sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu waddanka dibaddiisu ugu maqanyahay xaalad Caafimaad, oo aan horay loo shaacin.

Goobta ay doorashadu, ka dhaceysay saakay ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay ayadoo la sheegay in gabi ahaanba Magaalada Beledweeyne, xitaa aan lugta la ogoleeyn xilli shalay uu ka dhacay qarax lala beegsaday maqaaxi lagu shaaheeyo oo ay ku geeriyoodeen in kabadan 13 ruux halka dhaawacana kor uu u dhaafay 16 qof sida ay boolisku sheegeen.

saakay ayay ahayd xilli ay baahisay warbaahinta dowladda ay sheegtay in guddiga doorashooyinka uu hakiyay kursiga Hop#86, oo ahaa kan maanta loo doortay Fahad.

waxaa kaloo jira maalmahaan is qabqabsi u dhaxeeya Guddiyada heerarka kala duwan ee ku saabsanaa kursigaan maanta #Hop86, oo Fahad Yaasiin loo doortay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.