image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Faahfaahin ka soo baxaysa khasaaro ka dhashay dabkii Suuqa Banaadir iyo Tuugo soo weerartay

Muqdisho (Onkod Radio ) – Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaallo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Goobo ganacsi oo kala duwan ayuu dabkaasi xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir baabi’iyay .

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani.

Xaawo Axmed Yuusuf oo suuqa gubtay ku lahayd Carwo ayaa warbaahinta u sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.

“Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid, waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay” ayey Tiri

Ganacasatada ay wax un u badbaadeen ayaa ka walwalsanaa intii uu dabka socday in laga dhaco alaabta maadama xili habeen ah ay ahayd.

Maryan jaamac Aadan waxay usoo gurmaday labo walaalaheed ah oo carwooyin uga gubteen suuqa waxa ay sheegtay in intii uu dabku socday ay tuugo rabtay in ay suuqa boobaan ay soo weerareen.

“Tuugo baangado, mindiyo iyo toorreeyo wadato ayaa nasoo weerartay, dadkii soo gali lahaa xitaa iyaga ayey ka soo gali waayeen, haddii aysan ahayn ciidanka dowladda dadka ayey naga dili lahaayeen” ayey tiri Maryan oo ay murugo ka muuqatay.

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.