image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Faah faahin: Dab dhaliyay khasaaro hantiyadeed oo ka kacay xaafada Soonakey

Wararka ka imaanaya xaafada Soonakey ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in maanta dab dhaliyay khasaaro hantiyadeed uu ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla degmadaasi.

Goob joogayaal kamid ah dadka deegaanka, ayaa inoo sheegay in dabka markii hore uu ka biloowday koronto, kaddibna uu ku fiday goobaha ganacsi oo intooda badan dabka uu sameeyay.

Gawaarida dab damiska  oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay daminta dabka si uusan ugu sii fidin guriyaha ka agdhaw halka uu dabka kacay, mana jirto wax khasaaro nafeed uu dabka sababay.

Ciidamo katirsan dowladda oo goobta gaaray ayaa xakameeyay dadka shacabka ah, maadama xiliyadas ay rag tuugo ah ay dadka isku dhex qariyaan si ay u qataan alaabaha goobaha ganacsiga laga badbaadiyay.

Weli maamulka degmada Hodan kama uusan hadlin dabkan khasaaraha dhaliyay ee maanta ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla xaafada Soonakey ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Muqdisho waxaa inta badan la sheegaya in waxa yaabaha sababa dabka in ay koronta kow ka tahay, maadama ay Fiilooyinka korontada aan si haboneyn loo hagaajin taasi oo sababta in dab uu ka dhasho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.