image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda MD Xasan oo maareyn la’ dagaal beeleedyada dalka ka jira.

Muqdisho (ONKOD)- Deegaano badan oo gobolka Shabeellaha dhexe  waxaa ka soconaya , dagaalada salka  ku haya arrimaha qabaa’ilka kuwaa soo noqday kuwa xargaha  goystay.

Dhawr jeer waxaa dagaaladaas ku baxay masuuliyiin kala duwan oo ka soo  jeeda deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe si xaaladda ay u dejiyaan hase ahaatee ma aysan guulaysan.

Waxa ay u dhaxeeyaan dagaaladan laba beelo oo walaala ah oo Oodwadaag ah kuwaas oo isku hayo arrimo ku saabsan daaqsin  iyo deegaan sababay in dhiig  uu daato  keentayna aargudasho muddo socotay.

Dagaaladan waxa ay ka dhacayaan ,  deegaanada kala ah Qurac-madoobe iyo Aqab-duco halkaas oo  maalmihii la sood dhaafay dagaaladu ay ka socdeen in kastoo xaaladu hadda ay tahay mid degan.

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo laab-laabanayay dagaal beeleedyo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan oo gobolka wada-daga.

Keliya ma aha Shabeellaha dhexe meelaha laga soo calamadaynayo dagaalada qabaa’iilka ee loo taag la’ yahay in wax laga qabto marka laga reebo baaqyada la dirayo si dagaalka loo joojiyo.

Deegaano badan oo  dalka ah waxaa ka taagaan dagaalada salka ku haya  qabaa’ilka  kuwaas oo ilaa iyo hadda Dowladda Soomaaliya aysan ku guulaysan wax ka qabashadood.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.