image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka cafisay $1 Bilyan oo Lacag Ah.

MUQDISHO (Onkod Online) –  Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis dowladda Soomaaliya looga cafiyey in ka badan $1 Bilyan oo Dollar Mareykanka ah. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga cafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lehayd ayaa daba socda, kaddib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan. Arrintaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo wadday.

Saxiixa heshiiska kaddib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya,isagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya fursad muhiim ah siinaya.

” Waxa aan maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay dhammaystirka heshiiska Deyn Cafinta ee Dowladda Mareykanka isaga oo uu i weheliyo Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley. Wadarta guud ee deynta Dowladda Mareykanka ay maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah, $1 billion (1 bilyan oo doollar Mareykanka ah”). Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.