image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Federaalka oo dalka ku soo celisay dhallinyaro Tahriibayaal oo ku xirnaa Suudaan

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho, laga soo dajiyay dhalliyaro ku jiray xabsiyada ku yaalla Dalka Suudaan, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhalinyaradan Maanta la keenay Dalka, ayaa muddo saddex bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif ee Waddanka Suudaan.

Tirada Dhalinyaradan oo gaaray 22 ( wiilal iyo 5 gabdhood), kuwaasi oo la tilmaamay in lasoo qabtay  iyagoo isku dayaya inay si tahriib ah uga gudbaan xuduudaha dalka Suudaan.

“Dadaal ay dowladdu sameysay ayay ku timid idinkoo nabad qaba inaad dalka kusoo noqotaan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi Fiqi.

Sii deyntooda ayaa suurtagal noqotay kadib dadaal wadajir ah oo ay bixiyeen Hay’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM) iyo xafiiskeeda Suudaan oo kaashanaya hay’adaha amniga ee Suudaan.

Waxaa weli xabsiyada dalkaas ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah oo baaritaanno lagu wado, kuwaas oo la filayo in dhowaan la sii daayo si ay ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya.

Dhinaca kale siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Axmed Suudaani ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ay sii wadi doonto dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xaaladaha adag,isa oo u mahad celiyay shaqsiyaadka ka qeyb qaatay sideynta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.