image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI ‘’ Waxa Puntland ka dhici kara doorasho qof & Cod keliya ‘’

Garoowe (ONKOD) Magaalada Garoowe ee xarunta  maamulka   Puntland  waxaa ka dhacay , kulan laba dhinac ah oo ay wada yeesheen xubno ka socday xisbiyada mucaaradka iyo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI.

Waxaa lagu soo waramayaa  in  kulanka  looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal.

Shirkan  waxa la sheegay in ay ka qayb galeen  xisbiyada mucaaradka ee aadka  ugu dhaw Madaxwaynaha lagu dhaliilayo daahinta doorashada  ee ka dhalatay xaalada hubiti la’aanta ah.

Madaxwaynaha Puntland oo hadal  jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid dhabaha u xaari doono in doorasho hufan sida uu sheegay lagu qabto deegaanada maamul goboleedka Puntland.

Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan Puntland ka dhacayn doorasho aan qof iyo cod ahayn islamarkaana shacabku isu diyaariyaan in ay codkooda ku doortan Madaxdooda.

“Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabku Madaxdooda ku doortaan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Si kastaba waxa shirkan imaanayaa iyadoo , wali ay jiraan xubno mucaarad ah oo ka biyo diidsan sida uu hadda wax u wado Madaxwayne Saciid Cabdulaahi DENI oo ah nooca doorasho ee uu doonayo.

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.