image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI oo furaya Kalfadhiga Barlamaanka , Qodobada xasaasiga ah ee jira

Garoowe (ONKOD ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu furo kala fadhiga Barlamaanka maamulkaas .

Madaxwaynaha Puntland ayaa maalmaha soo aadan gaari doona magaalada Garoowe ka dib ololihiisa doorasha ee uu ka waday deegaanada maamulka Puntland.

Wararka  horudhaca ah ee aan helayno ayaa sheegaya in arrimo xasaasi ah oo ku saabsan m khilaafka doorasho miiska uu saran yahay oo xubnaha Barlamaanka maamulkaas dood badan ay ka qabaan.

Dad u dhuun- daloola siyaasada Puntland ayaa sheegaya in fadhiga uu furi doono Madaxwayne Saciid Deni uu noqon doono sanadkan mid ka duwan kuwii hore marka loo eego qodobada xasaasiga ee miiska saran.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa hadda ku sugan degaanka Ceel-haarre ee duleedka magaalada Qardho  halkaas oo kulamo maalmahan uu ka waday oo la qaadaynayay qaybaha bulshada.

Ka dib Madaxweyne Deni ayaa sida la filayo  waxa uu ku hakan doona degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal  , isaga oo intaas ka dib  tagi doono magaalada Garoowe si uu furo kalafadhiga Barlamaanka.

Deegaanada  maamulka Puntland , dhawaan waxaa ka qabsoomay doorashada Golayaasha deegaanka , oo dadku codadkooda ay dhiibanayeen  inkastoo si nabad ay ku dhamaatay , hadana waxaa ka jiray muran ka dhashay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.