image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DEGDEG:Guddoomiye Madaale oo xilka laga qaaday iyo mas’uul cusub oo loo magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu goordhaw soo saaray xilkii ugu qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimacaale isaga oo xilkaasi u magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo ah aqooyahan kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maareynta.

Hoos ka akhriso Wareegtada magacaabista

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.