image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Deg deg Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab kasoo saaray go’aankii Joe Biden, ee Soomaaliya

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa shalay saxiixay ammar boqollaal askari oo Mareykan ah, dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab, oo khatar weyn ku ah, dowladnimada Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka, ayaa horay u sheegay in la-dagaallankii Al-Shabaab, uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka, ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah, Afrika, si ay tababarro iyo taageero ay u siiyaan ciidamada Soomaaliya, ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.