image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Muqdisho la kulmay Raisul Wasaare Xamza

Muqdisho – Danjira dalka Soomaaliya u fadhiya dowladda Shiinaha ayaa la kulmay raisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Abdi  Barre, iyagoo ka wada hadlay  Dardar-gelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo caddeeyey in ay sii xoojinayso taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga, maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha, isagoo uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadanimo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.