image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dagaal xooggan oo ka socda degmada Aadan Yabaal

Faa faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal ay saakay aroornimadii hore ay Al-shabaab ku qadeen saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku lee yihiin degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar saddex Jiho ah ay ku qadeen degmada, waxaana intaas ka kaddib bilaabay dagaal toos ah oo labada dhinac halkaasi ku dhex maray.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse aysan ogeyn halka uu gaarsiisan yahay.

Geesta kale waxaa la soo warinaya inuu weli dagaalka socdo, isla markaana qeybaha kale ee degmada uu ku sii fidiyo.

Ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka, ayaa jilbaha u dhigtay weerarka sida ay xogaha aan heleyno ay sheegayaan, waxaana xaaladu ay tahay mid adag.

Ma jirto ilaa iyo hadda war kasoo baxay dowladda Soomaaliya, maadama uu weli socdo dagaalka ay Al-shabaab ku qadeen halkaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.