image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dab xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio ) – Dab xooggan ayaa caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho, ayada oo illaa hadda aan la garaneyn waxa sababay.

Lama yaqaanno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase-ahaatee olol xooggan ayaa cirka isku shareeraray.

Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, ayaga oo isku dayaya inay dabka damiyaan.

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale gaaray goobta, hase-ahaatee ciidamada dowladda ayaa cirka u tuuraya risaas si dadka aysan ugu dhowaan halista dabka.

Booliska ayaan weli ka hadlin dabkaan ka ololaya isgoyska Benaadir.

Dabka ka kaca suuqayada ayaa aad ugu badan Muqdisho, ayada oo dhowr mar uu gubteen suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyo kale oo yaryar oo ku yaalla magaalada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.