image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dab ka Kacay Suuqa Deegaanka ‘’Tog- Wajaale ‘’ oo lagu guuleystay in la damiyo

Wajaale (ONKOD ) Ciidamada Dab Damiska ee Somaliland ayaa soo afjaray daminta dab xalay fiidkii ka kacay suuqa degmada Tog Wajaale oo ku taala xuduudda Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya, waxaana jira khasaare ka dhashay.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay mehrado ganacsi oo aad u ballaaran, waxana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqaan oo ah mid kulmiya inta badan dadka ku nool xadka deegaannada Somaliland iyo itoobiya

Ganacsatada ayaa bilaabay in mehradaha badbaaday in ay kala baxaan hantidooda, iyadoo kuwii mehraduhu ka gubteenna ay ka raadinayaan, wax uun uga badbaaday hantidooda.sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Ciidamada Dab Damiska dawlad deegaanka Soomaalida oo iyana gurmad ahaan u yimid, ayaa ka qayb qaatay in la damiyo dabka suuqa Tog Wajaale. Waxaana muuqata khasaare xooggan inuu geystay dambka oo kacay xalay.

Somaliland wali ma shaacin sababta ka dambeysay dabka xooggan eek a kacay suuqa deegaanka Tog  Wajaale, waxaana uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe soo baxayay inta badan dabka in ay sababaan Korontada

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.