image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Daadad harqiyay Beledwayne & Luuq ee Gobolada Hiiraan & GEDO

Beledwayne (ONKOD) Roobab xoogan oo  ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa saqdii dhaxe mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan.

Biyaha webiga ayaa dhex ceegaaga guryaha ku yaalla Baladweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doodsan gudaha magaalada.

Inta badan wabiga marka uu ku fataho magaalada wuxuu saameeyaa dhul beereed aad u badan iyo xaafado ka mid ah magaalada oo ay dadku ku nool yihiin.

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha u nugul fatahaada.

Maamulka Hirshabelle ayaan xal muuqda u helin fatahaada uu sameeyo wabiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Baladweyne saameyn badan ku yeeshay fataahada wabiga sameeyo oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan.

Sidoo kale  degmada Luuq  ee gobolka  Gedo daad xoogan ayaa ku soo rogmaday xaafadaha qaar ka dib  roob saacado badan ka da’ayay magaalada waxaana kala xirmay xaafadaha qaar .

Hay’adaha caalamiga ah iyo qaarka mid dawladaha Geeskuba waxa ay ka digayaan isbeddel cimileed oo khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño.

Meelaha xeebaha iyo dhulka webiyada ee Soomaaliya ayaa ka mid goobaha khatartaas wajihi kara.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.