image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka ammaanka oo qabtay gaari iyo walxaha qarxa oo losoo waday Muqdisho

War kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay howlgal ay sameyeen ku guuleysteen inay ku soo qabtaan gaari lagu soo raray walxaha qarax oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Gaariga ay ciidanka soo qabteen oo ahaa Toyoto Probox, ayaa waxaa saarnaa Sameecad weyn iyo Caagag laga soo buuxiyay walxaha qarxa, loona soo waday Muqdisho, balse baaris ay sameyeen ciidanka ammaanka ay ka salgareen waxlaha qaraxa ee gaariga saarnaa.

“Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taiska Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ay ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay.

Sikastaba, hay’adaha ammaanka ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay howlgallada sare loogu qaadayo amniga Caasimada, iyaga oona ka hortagay qaraxyo ay damacsanayeen kooxda Al-shabaab, inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.