image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada dowladda Rasaaseeyay Shacab ka careysan Barakicinta iyo Duminta Guryahooda ku yaalla degmada Cabdulcasiis

Muqdisho (Onkod Radio( Ciidamada Dowlada ayaa maalinimadii shalay rasaas ku furay shacab ka careysan barakicinta iyo duminta lagu hayo, taas oo uu ka dhashay qasaare isugu jira  dhaawac iyo dhimasho.
Shaqaaqadan ayaa ka dhacday Wadadda Gasha Liido, gaar ahaan kasoo horjeedka Xarunta gaadiidka Booliiska ee Degmada Cabdicasiis.
Ciidamada Dowlada ayaa Rasaas ku furay Shacabkan oo la sheegay in ka banaanbaxayeen Dumiska guryaha, balse loogu bedelay Rasaas taasi oo keentay inay Dadka Dhagxaan kala hortagaan Ciidank
Musharixiinta madaxweynenimo ee mucaaradka ku ah dowladda ayaa tacsi u diray   qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hawllan dhulboob uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto shacabkii uu taliska ku dilay weerarkan, una boogadhayo intii uu ku dhaawacay.
Raisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay amakaag iyo ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday oo horay u sheegay in uu joojiyay dhulboobka uu maanta ku hawllan yahay boobka dhulka dantaguud, barakacinta danyarta, iyo xasuuqa shacabka, taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh oo caadeystay gaboodfallo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha