image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada dowladda oo saakay jab xooggan kooxda ‘AS’ ugu geystay dagaal ka dhacay…

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab uu saakay ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab, ay weerar gaadmo ah ay ku soo qadeen saldhiga ciidamada dowladda ay ku lee yihiin tuulada Baar Burjeed oo ku dhaw deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan isla markaana laisku adeegsadayay hubka noocyadiisa kala duwan, uuna ka dhashay khasaaro badan.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ciidamada xoogga ay ka hortageen weerar ay kooxda Al-shabaab ku dooneysay in ay ku qabsato saldhig ciidanku yihiin duleedka magaalada Baydhabo,balse ay la kulmeen filasho aysan qabin waana lajabiyey .

Sidoo kale meydadkooda ayaa la waray, oo ay kujiraan Ajaaniib cadaan ah, oo katirsan kooxda Al-shabaab.

Ciidamada ayaa kujiray feejignaan dheeraad ah, waxayna diideen in ay cararaan, iyadoo sadex jiho weerar uga bilowdo aroornimadii hore ee saakay, balse ay ka adkaadeen xubnihii weerarka soo qaaday ee katirsanaa Al-shabaab.

Geesta kale boqolaal dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo, ayaa isugu baxay magaalada si ay u dawadaan meydadka xubnaha Al-shabaab ee saakay lagu dilay weerarka ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.