image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

CAYLI Jayte oo sharuud adag ku xiray la shaqaynta Xasan Sheekh

Maxaas (ONKOD) Seddaxdii maalin ee la soo dhaafay degmada Maxaas ee gobolka Galgaduud waxaa ka soconayay kulamo  u dhaxeeyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  iyo beelaha dega Hiiraan.

Waxaa ku sugnaa kulamadan Waxgaradka iyo ugaasyada beelaha Hiiraan kuwaas oo tabasho ka qaba maamulka Hirshabeelle ee uu  hoggaaminayo Madaxwayne Cali Guudlaawe.

Wararka  horudhaca ah ayaa sheegaya in  Odayaasha beesha Xawaadle, Cali Jeyte iyo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ay isku mowqif ka noqdeen inaan lala shaqeyn Hirshabelle.

Guddoomiyihii xilka laga tuuray Cali Jayte ayaa xogaha ay sheegayaan in Madaxwaynaha uu hordhigay sharuudo ay ka mid yihiin in wax kaalin ah ka yeelan Hirshabeelle howlgalada Hiiraan ay ka bilaabayaan.

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa Odayaasha waxa ay hordhigeen  inuu aqoonsado maamulka Hirshabeelle  ee looga dhawaaqay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Wada-hadalada inkastoo wali ay ka socdaan degmada Maxaas , hadana lama oga sida madaxwaynaha uu u aqbali doono sharuudaha beelaha ay ku xireen la shaqaynta Madaxwaynaha.

Gobolka Hiiraan ayaa ahaa meelahii uu ka bilowday kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ku fiday deegaano badan oo dalka ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.