image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Cali dheere oo toogtay kooxdiisa Shabaab

Muqdisho (Onkod Radio)– Afhayeenka kooxda Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) wuxuu Sabtidii dhowr iyo toban daqiiqo la hadlay ganacsatada, si gaar ahna bangiyada ku yaalla dalka.

Hadalkiisa waxaa ku jirtay ganacsatooy xoolihiina yaan la idinka dhicin ee difaacda. Jumladaas markaad maqasho waxaa duraba kugu soo dhacaaya dhaca hantida ganacsatada Soomaaliyeed oo maalin walba baad laga qaado.

Kooxda Al-Shabaab waxay dhowr iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay lacago sharci darro ah ka qaadaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Inta badan dadka ay lacagahaas xooga uga qaadan waxay ku ganacsadaan magaalada Muqdisho. Lacagtaas waxaa inta badan loo adeegsada dilalka dad muslimiin ah, qaarna madaxda kooxda Alshabaab ayaa si shaqsi ah u qaadata.

Ganacsatada marka aad weydiiso in dambi kasoo gaarayo xoolaha ay bixinayaan ee lagu laynayo dadka muslimka ah, waxay kugu jawaabayaan “xoog ayay nooga qaadeen ee Alshabaab jaceyl iyo raali ahaansho lacag kuma siino.”

Halkaas waxaa ka baraneysa cidda xoogta ama dhacda hantida ganacsatada Soomaaliyeed.

Alshabaab lacagaha ay xooga ku qaadan kuma dhisaan isbitaalo, garoomo, waddooyin, goobo waxbarasho ama waxyar oo anfac u noqon kara mustaqbalka umadda Soomaaliyeed, taas badelkeeda lacagtaas waxa lagu dilaa shacabka Soomaaliyeed ee 100% muslimka ah.

Waxaa jira dad lacago ay diideen darteed ay u dishay Alshabaab. Lacagahaas xooga lagu qaaday dadka lagu laayay waxa ku jira ehelka kuwii lacagta laga qaaday.

Waa ayaan-darro weyn in xoolahaagii loo adeegsado dilka ehelkaaga.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.